Welcome to Ministry of Information Culture and Tourism

Mowliid A Hashi ayaa maanta tababar u furay bulshada degmada wisil

21 Jan

Mowliid A Hashi ayaa maanta tababar u furay bulshada degmada wisil

Agaasimaha waaxda tababarada ee wasaarada warfaafinta galmudug Mowliid A Hashi ayaa maanta tababar u furay bulshada degmada wisil si loo baro sida looga hortagi karo wararka beenta ah. Tababarka ayaa waxaa ka qayb galay dad ka kala yimid hay’adaha dowladda, ururada bulshada rayidka, xubnaha barlamaanka iyo suxufiyiinta.

Agaasimaha waaxda tababarada ayaa sheegay in wararka beenta ah ay yihiin mid ka mid ah caqabadaha ugu weyn ee ku soo kordhaya bulshada soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa degan galmudug. Waxa uu ku baaqay bulshada in ay iska ilaaliyaan wararka aan xaq ahayn ee la soo bandhigo, oo ay ka baaraan xogta ku jira, ilaalinta shuruucda dalka iyo xaquuqda aadanaha. Waxa uu intaa raaciyey in wasaaraddu ay si joogto ah ugu dadaalaysaa in ay barto bulshada sida loo ogaado wararka xaqiiqda ah iyo sida loo kala saaro kan beenta ah.

Tabaerka oo looga faaidaystay sidii la rabay